Maalintii uu Hrithik Roshan qolkiisa ku dhex ooyay

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, Filimkii ugu horreeyay ee uu kasoo muuqday Hrithik wuxuu ahaa Kaho Naa... Pyaar Hai

Filim soo saaraha reer Hindiya Rakesh Roshan ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga sheekeeyay dhacdo ku saabsan maalintii uu wiilkiisa Hrithik qol isku soo xiray, isagoo oynaya, ka dib markii uu soo baxay filimkiisii ugu horreeyay ee Kaho Naa... Pyaar Hai.

Roshan ayaa sheegay in Hrithik uu culeys badan dareemay markii uu habeen dhan ahaa qof ay dadka oo dhan jecleysanayaan, sida ay tabiyeen wargeyska Hindustan Times iyo qaar badan oo ka mid ah warbaahinta kale ee Hindiya.

Sanadkii 2000 ayuu Hrithik markii ugu horreysay kasoo muuqday filimka uu aabihiis sameeyay, oo sidoo kale ay atariisho ka ahayd Amisha Patel.

Wareysi uu Mr Roshan siiyay warbaahinta The Quint ayuu dib ugu soo xasuustay dhacdadaas, isagoo sheegay in wiilkisa uu guriga yimid isagoo ka fikiraya sida ay noqotay natiijada tijaabadii ku saabsaneyd inuu ku habboon yahay jilista filimada iyo inkale.

.

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka, 20-kii sano ee uu Hrithik ku guda jiray jilista filimada, wuxuu soo hoyiyay guulo badan

Wuxuu Roshan yiri: "Waan xasuustaa dhacdadan, waxay ahayd saddex ama afar bilood ka dib markii uu soo baxay filimka. Hrithik qolkiisa ayuu ku dhex oynayay. Wuxuu dhahayay, 'aniga arrintan ma xamili karo. Ma shaqeyn karo, ma aadi karo studio-ga. Waxaa jira basas gabdho iyo wiilal ka buuxaan oo doonaya inay ila kulmaan. Ma heli doono fursad aan wax ku barto, ama wax ku jilo, ama aan diiradda ku saaro shaqadeyda. Qof walba wuxuu doonayaa inuu ila kulmo.' markaas ka dib ayaan aniga ku dhahay, 'kasoo qaad in xaaladdan aysan waligeed ku qabsanin, maxaa dhici lahaa markaas? Waa inaad u qaabishaa sidii barako laguugu talagalay, isku day inaad la qabsatid, shaqadaadana wado, ha u qaadanin dhibaato,' wuuna i fahmay".

Ka bood Instagram boggan, 1
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Dhammaadka Instagram boggan, 1

Markii uu soo baxay Filimkaas, Rakesh, oo ah Hrithik aabihiis, wuxuu ku guuleystay abaalmarintiisii ugu horreysay abid ee uu ku helay soo saarista filimada iyo hagistooda, halka Hrithik uu ku guuleystay abaalmarintii ugu horreysay ee atoorasha ugu wanaagsan sanadka iyo atoorihii ugu fiicnaa ee isagoo billow ah shaqadiisa sidaas u wacnaatay.

Hirithik wuxuu sii watay xirfaddiisa jilista, oo uu guulo badan kasoo hoyiyay 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqdo wuxuu ahaa "War" oo ay isaga soo horjeedaan jilaaga kale ee lagu magacaabo Tiger Shroff, kaasoo soo baxay 2019-kii.

Wuxuu ahaa filimkiisii labaad ee sanad gudihiis Hit ku noqday, wuxuuna daba socday filimka kale ee lagu magacaabo Super 30.

Kooxda Filimka Kaho Naa... Pyaar Hai waxay dhawaan u dabaal dageen xuska sanad guuradii 20-aad ee kasoo wareegtay markii la soo saaray.

Hrithik oo arrintaas ku cabiray qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ayaa yiri: "Waxay ila tahay in labada eray ee aan ku tilmaami karo dareenkeygii 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka dib KNPH ay yihiin "Cabsi" iyo "Cabsi la'aan", labadaas arrimood iigu soo noqonayay si joogto ah".